Dagaalkii Al-Shabaab iyo Ahlusunna ku dhex marayay Galgaduud oo labada dhinacba ay la kulmeen Jahawareer iyo Jaantaa rogan.

Halkaan ka akhri

Dagaallo u dhexeeya Xarakada Al-Shabaab iyo Ururka Ahlu Sunna ayaa si xowli ah uga socda labadi maalmood ee lasoo dhaafay inta badan deegaanada hoos taga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaal aad u xooggan oo saf ballaaran ahaa ayaa shalay ilaa maanta si saf dheer ah is haysta laga soo bilaabo deegaano hoos taga degmada Guri ceel ilaa Degaanka Warxoolo oo 25 Km dhanka galbeed kaga beegan degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka shalay oo xoogiisu ka socday deegaanka Wabxo, gaarahaan meel lagu magacaabo Waradhuumale iyo Tuula Ooman oo u dhow Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkaasi qarxay markii Maleeshiyooyin ay lahaayeen Ahlu Sunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku lahaayeen Maleeshiyaadka Xarakada Al-Shabaabka, waxaana la sheegay in qasaaro wayn uu soo gaaray labada dhinacba.

Dhulka lagu dagaalamayo oo ah Howd Cidlo ah oo geedo iyo dhagax ay is haystaan ayaan la xaqiijin karin, tirada saxda ah ee dhimashada, inkastoo warar kala duwan ka soo baxayaan kooxaha dagaalamaya, kuwaasi oo qolo kastaahi sheeganayso guul.

Dagaalka labada dhinac oo aan la saadalin karin xaaladdiisa ayaa ku socda qaab u muuqda Jaha wareer saf balaaran ah, iyadoo Ururka Ahlu Sunna uu Kulaalayo Deegaanka Wabxo oo dadka deegaanka qaarkood sheegayaan inaysan magaaladu waxba dhaamin waxay qabsadeen, halka dhinaca kalena Al-Shabaab ay iyaguna Si ay culayskaas Ahlusunna u dejiyaan ay weeraro ku hayaan deegaan u dhow Guri-ceel, waxaana jira qasare baaxad weyn iyadoo dadka deegaanku sheegayaan in Cisbitaalada Guriceel iyo Ceelbuur oo labada kooxood saldhigyo u kala ah  la gaarsiiyay dhaawacyo fara badan.

 

Somali Swiss Wabxo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: