Ciidamada Midowga Yurub iyo Sishilis oo gacanta ku dhigeen koox Burcad Badeeda ah soo bad baadiyay kaluumeysato…

Halkaan ka akhri

Ciidamada badda ee Midowga Yurub iyo kuwa Jasiirada Sishilis ayaa si xoog ah ku soo bad baadiyay kudhawaad 10 qof oo ah kaluumeysato u dhalatay Jasiirada Sishalis kuwasi oo ay gacanta ku hayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ee Jasiirada Sishalis ayaa lagu sheegay in 7 ka mid ah Kaluumeysato u dhalatay Jasiiradaasi oo horay ay u afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay si xoog ah ku soo furteen iyaga iyo doontii ay saarnaayeen kadib howlgalo ay sameeyeen Ciidamada badda ee Midowga Yurub iyo kuwa Sishilis.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in  Madaxweynaha Jasiiraddaas Mr. James Michel uu sheegay in howlgalka lagu soo bad baadiyay Kaluumeysatada u dhalatay Jasiirada Sishalis uu ahaa mid in mudo ah ay ka baaraan dagayeen ilaa markii kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay Afduubteen.

Hase yeeshee waxaa lagu soo warramay in ciidamada badda ee Midowga Yurub ay wadaan howlgalo lagu soo bad baadinayo shaqaale kale oo u afduuban kooxaha burcad badeeda Soomalida kuwaasi oo ay ku heystaan xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale howlgalkii lagu soo bad baadiyay Kaluumeysatada u dhalatay Jasiiradaasi ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha reer Sishalis, waxayna Xarunta Jasiiradaasi laga sameeyey dabaal dagyo ku aadan dib u helida kaluumeysatadaas xoriyadooda.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: