Halkaan ka akhri
Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa saaka si lama fillaan ah lagu soo war geliyey inuu ka jiro kulan Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho iyadoon loo qeybin doono warqado ku qoran warbixino la xiriita waxqabadka Xukuumada KMG iyo Codsiga Ansixinta Xukuumadda uu soo dhisay R/wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo).
Sida lagu soo warramay Kulanka Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka oo la filayo inay ka soo qeyb galaan Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa xildhibaanada Barlamanka waxaa loogu qeybin doonaan Warqado ay ku qoranyihiin waxyaabaha Xukuumada cusub ay qaban doonto mustaqbalka, marka ay ansixiyaan xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya.
Waxaa Xildhibaanada ay soo aqrisan doonaan warqadahan mudo 24 saacadood ah, kadibna u soo diyaar garoobayaan kalsooni siinta Xukuumada Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) ama diidmadeeda..
Warkan oo saakay warbaahinta u sheegay Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah xogheynta Barlamanka ayaa wuxuu caddeeyey in Xildhibaanada laga doonayo inay soo aqriyo waxqabadka ay la imaan doonto xukuumada KMG Soomaaliya kadibna Xildhibaanada Barlamanka KMG ah, looga fadhiyo inay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumada KMG si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.