Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka xanaaqay Heestii (Xildhibaanimooy Xaal qaado) iyo mooshin ay ku hanjabeen.

HOOS KA DAAWO HEESTA

Halkaan ka akhri

Xubanaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya barkood ayaa cabasho iyo diidmo ka keenay, Hees ay dhowaan soo saareen kooxda Fanaaniinta Qaylo-dhaan, taas  oo muujinaysay sida Baarlamaanka Soomaaliya ay u noqdeen kuwa wax dumiya oo kaliya, isla markaana u taagan markasta mowshin iyo fowdo, si ay u fuliyaan danahooda gaarka ah una helaan dhaqaale lagu raadinayo qaab laaluush ah.

HALKAAN KA DHEGAYSO PROF. DALXA

Tan iyo markii lasoo saaray heestaas saddex Todobaad ka hor ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada ka imaanaysa xubnaha baarlamaanka, taas oo haatan maraysa meeshii ugu saraysay iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalda Muqdisho lagu arkayay Xildhibaano qabanaya shirar kala duwan oo ay ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin Heestaas, iyagoo isla markaasna ka arrinsanayay tilaabda xigta ee lagudboon inay inay qaadaan.

Inta badan Xildhibaanada Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhibsaday Heestaas, iyagoon qarsan arrintaas, waxaana shirarka ay yeelanayaan ka sokoow, idaacdaha Magaalada Muqdisho laga maqlayay Prof. Dalxa oo xanuunka heestaas ku hayso darteed ay kasoo fakanayeen erayo aan hore looga baran, isagoo dhaliil iyo eeda arrintaas dusha uga tuuray TV-ga UNIVERSAL iyo fanaaniinta heesta sameeyay.

Waxay ku hanjabeen qaar ka mid ah Xildhibaanada oo uu hogaaminayo Prof. Dalxa inay ka fiirsanayaan tilaabadii ay ka qaadi lahaayeen fanaaniintaasi oo uu sheegay in ay qalad wayn ka galeen Xubnaha Baarlamaanka, waxayna ku hanjabeen in ay ka fikirayaan wada shaqaynta ka dhexeysa TV-ga UNIVERSAL iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Heesta (Xildhibaanimooy Xaal Qaado) oo ay soo saareen fanaaniinta Kooxda Qaylo dhaan, waa mid muujinaysa masawirka guud ee qaabka ay u shaqeeyaan xildhibaanada Soomaliya oo markasta u muuqda kuwa dhaqaale ku raadinaya qas iyo fowdo iyo moowshinno aan dhamaad lahayn oo laga dhigay Mashruuc dhaqaale lagu sameeyo.

HALKAAN KA DAAWO XILDHIBAANIMOOY XAAL QAADO

KU NOQO BOGGA HEESAHA

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: