Halkaan ka akhri
War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee Magaalada Muqdishoayaa sheegaya in dadweynaha ku nool Gobolka Banaadir ay xalay la seexan waayeen Huuwaanta iyo dhawaaqa rasaasta ay ridayeen labada dhinac ku dagaalamay magaalada Muqdisho.
Warrka wuxuu intaa ku darayaa in subaxnimada saakay uu ka socday magaalada caasimada ah  dagaalo culus. kaasoo dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku waabariisteen.
Dagaalada iyo duqeymadan u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa saakay waxaa uu ka dhacay Xaafado ka mid ah degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada labada dhinac in muddo ahba.
Hase yeeshee labada dhinac ayaa la sheegay in dagaalku ay u adeegsanayaan madaafiic aan caadi ahayn, waxayna dadka reer Muqdisho ku waabariisteen dhawaqa madaafiicda iyo hubka kale.
Sidoo kale waxaa la soo sheegay in Dagaalkan uu saamayn ku yeesheen ganacsiga suuqa Bakaaraha, kadib markii labada dhinac ay is dhaafsadeen madaafiic culus.
Dhanka kale lama oga xaqiiqada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladii xalay ilaa  saakay ka socday magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa wali la maqlayaa dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta labada ciidan is dhaafsanayaan.
Si kasta ha u dhecee dagaalku waxaa wali jirin cid ka tirsan Masuuliyiinta labada dhinac oo ka hadlay dagaalkii xalay iyo kii saakay ka dhacayey nawaaxiga isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.