Hay`adda Laanqeyrta Cas ee (ICRC) oo Biyo dhaamin ka sameysay degmooyinka Hobyo iyo Bacaadweyn.

Halkaan ka akhri

Waxaa qayla-dhaan xoog badan oo la xiriira abaaro aad u xun ay kasoo yeerayeen degmooyinka Hobyo, Wisil iyo Bacaadweyn iyo deegaanada ku wareegsan, inta badan degmooyinkaasi oo ay ka jireen biyo la’aan iyo cunto la’aan ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxaa ka socday biyo dhaamin ay waday Hay`adda Laanqeyrta Cas (ICRC), waxayna  biyo dhaamintaas ka waday degmooyinkaas.

Dhanka kale  dadka  deegaankaas ayaa waxay  uga mahad celiyeen Qeybinta biyahaas oo ay baahi weyn u qabeen  Hay`ada Laanqeyrta cas, waxayna ka codsadeen in hay’adda ay dadaalkeeda laba laabto, kuna darto cunto qeybin, iyadoo halkaas ay jirto cunto la’aan baahsan, dadka deegaanka  ay ka muuqato  itaal daro keentay  abaaraha ka jira degaankaas.

Hase yeeshee Waxgaradka iyo culumadiinka degaanka Hobyo iyo Bacaadweyn ayaa ka codsaday in hay`adaha Qaramada Midoobay in gargaar degdeg ah ay lasoo gaaraan dadweynaha degaankaas, kuna daydaan waxqabadka hay`adda laanqeyrta cas (ICRC), oo ah hayadda keliya ee dadka degaankaas wax qabad dhab ah ka fulisay degaankaas.

SomaliSwiss Hobyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: