Ban ki-Moon oo sheegay in uu ka walaacsan yahay ciidamaynta caruurta dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-Moon ayaa markii laabaad walaac xoog badan ka muujiyay Ciidamaynta caruurta Soomaaliyeed aan qaangaarka ahayn, kuwaas oo loo adeegsanayo daagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-Moon ayaa la sheegay inuu  warbixin sanadeedkiisa u gudbiyey Golaha amaanka ku Caddeeyey in xaalad iyo dhibaato oo aad u ba’an ay haysto carruurta Soomaaliyeed ee mudada 20-kii sanno wajahayey dhibaatooyinkii ka taagnaa gudaha Soomaaliya, waxaana warbixinta uu ku xusay in ay soo badatay Sanooyinkan dambe in carruurta la Ciidameeyo, islamarkaana kooxaha dowladda Soomaliya ka soo horjeeda ay u adeegsadeen dagaalada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Mr Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay Ururro diimeydka Xarakada Al-shabaab,  Xisbul Islam iyo Ahlusunna Wal jameeca in ay ilaaliyaan xaquuqda carruurta, waayo ayuu yiri Xoghayuhu in carruurta Soomaaliyed ay dhibatooyinka kala duwan la daalaadhacayaan, balse uu ka codsaday aysan carruurtu u adeegsan dagaalada ka jira Soomaaliya, hase yeeshee Ban ki-Moon wuxuu ku booriyey dowladda KMG Soomaaliya in ay ka hortagto Ciidameynta carruurta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ban ki-Moon ayaa  wuxuu dowladda Kenya ka Codsaday in ay baaritaan adag ku sameysa wararka sheegaya in carruur Soomaaliyeed oo ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaala waqooyi bari wadanka Kenya, halkaas oo ay ka socota  Ciidameynta caruurta ku dhaqan Xeryahaas, si aysan arintaasi u saameynin carruurta barakacayaasha ah ee ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha xaquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ay dhawaan ka soo saareen warbixin lagu eedeeynayo Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam in carruur badan oo Soomaaliyeed ay u adeegsadeen dagaalada ay kula jiraan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: