Xarakada Al-Shabaab oo magaalada Baladweyne ku xir xiray dhallainyaro Banooni ciyaaraysay.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan shalay ku xir xirtay dhallainyaro fara badan oo ay ka qab qabteen goobo kala duwan oo ay ku ciyaarayeen kubadda Banooniga.

Xarakada ayaa gobollada ay ka taliyaan hore uga mamnuucay daawashada ciyaaraha TV-ga laga soo daayo, laakiin hore uma sheegin inay mamnuuc tahay in la ciyaaro Banooni.

Sida ay SomaliSwiss u sheegeen qaar ka mid ah ehelada dhallainyarada la xir xiray, Maamulku ma sheegin wax saxda ah ee lagu heysto Ciyaartoydaas, wayna ka gaabsadeen inay waalidiinta carruurtaas u sheegaan goorta la soo daynayo iyo waxa laga damacan yahay, intaba, waxayna wararku sheegayaan in Dhallinyaradaas la xirxiray shalay gaarayaan qiyaastii ilaa 60 qof.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: