Halkaan ka akhri
Cabdi Casiis lafta Gareen oo shalay loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ayaa saakay iska casilay  xilkii wasiir ku xigeenimo ee dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenku oo shir jaraa’id maanta barqadii ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii shalay uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed.
Â
Mudane Cabdi Casiis lafta Gareen ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay Magacaabistiisa oo aan marka hore lagu saleyn heshiiskii Jabuuti, iyo xilkaasi oo uu sheegay in uusan u qalmin in la siiyo beesha uu ka soo jeedo.
Â
Â
Sidoo kale Mudane Cabdi Casiis lafta Gareen ayaa Xukuumadii hore waxaa uu ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, waxaana shalay Ra’iisul wasaare Farmaajo uu u magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, isagoo noqonaya wasiir ku Xigeenkii ugu horeeyay ee iska Casila Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo.
SomaliSwiss Muqdisho.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.