Halkaan ka akhri
War saakay naga soo gaaray Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maamulka Xarakada Al-shabaab Deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ay shalay gelinkii danbe xukun Dil ah ku filisay qof lagu soo eedeeyey in uu kufsi u geystay gabar 6-jir ah.
Qofka lagu fuliyey xukunka dilka ah ayaa lagu sheegay magaciisu  Yaxye Mire Maxamad da’diisuna waxay ahayd 19-jir kufsi u geystay gabar yar oo 6-jir ah, wuxuuna maxkamada horteeda ka qirtay inuu galay dambiga lagu soo eedeeyey.
Hase yeeshee qaadiga Maxkamada Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Galhareeri Sheikh Daahir Axmed Cumar ayaa sheegay in Yaxye uu qirtay falalkii lagu eedeeyey, sidaasi darteed maxkamada ku riday xukunka Dilka ah.
Sida lagu soo warramay fulinta xukunkaas waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u farabadan oo yimid  fagaarihii lagu qisaasayey Yaxye oo ee geystay kufsaday gabadha yar ee 6-jirka ah.
Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay xarakada Alshabaab gobolada Koonfurta Soomaaliya ka fuliyaan xukuno kala duwan, kadib markii dadka la xukamayo lagu eedeeyo arrimo ka dhan ah Shareecada Diinta Islaamka, waxaana qof walba lagu xukunaa dambiga uu galay Ciqaabtiisa waxa ay ka qabto Diinta Islaamka.
SomaliSwiss Galgaduud
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.