Halkaan ka akhri
Laba nin oo ganacsata Soomaali ah oo midna ladilay midna lagu dhaawacay xaafadda Islii ee dalka Kenya.
Â
Ninka ganacsadaha ah ee la dilay ayaa waxaa uu ka tisanaa dadka Soomaalida ah ee ku ganacsada magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda ay ku badan yihiin ee Islii.
Â
Niman hubeysan ayaa maanta barqadii dilay nin ganacsade Soomaali ah, iyagoo isla goobtaasina ku dhaawacay mid kale.
Dilka iyo dhaawaca loo geystay ganacsatadaasi Soomaalida ah ayaa ka dhacay Bakhaar ay ku lahaayeen Suuqa Islii hortiisa.
Waxaa la sheegay in ragga dilka geystay ay ahaayeen niman Kenyaati ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u beegsadeen labadaasi nin ee ganacsatada ah.
Si kasta ha ahaatee ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa hanti ku leh dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo marwalbana labar-tilmaameedsado habeen iyo maalin.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.