Gawaari isku dhacday oo ay leeyihiin ciidamada Booliska Soomaaliya oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan ka akhri

Saddex qof oo ka tirsan ciidamada Boliiska dowladda KMG ayaa ku geeriyootay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ay leeyihiin ciidamada Boliiska.

Shilkan gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay agagaarka xarunta ciidanka booliska Oto-oto ee magaalada Muqdisho, Sidoo kale waxaa la sheegay in sababta khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ay ku timid rasaas ka dhacday hubka ay wateen ciidamada dowladda KMG iyo gawaarida oo jiiray qaar ka mid ah askarta dowladda KMG, sidaas waxaa laga soo wariyey dad goobjoogeyaal oo ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho ka dhaco shilal gawaari oo ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG, waxaana Orodka dheeraya loo adeegsada gawaarida, taasoo inta badan sabab u ah inay ka bedbaadaan qaraxyo iyo miinooyin lala beegsado.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: