Wadada Warshadaha oo gabi ahaan ay xireen ciidamada AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ay Ciidamada AMISOM ee jooga Wadada Warshadaha iyo xarakada Al-Shabaab ay xireen , isla Wadadaas labadeeda dhinac, kadib markii uu dagaal culus halkaas ku dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab .

Sida lagu soo warramay Ciidamada AMISOM ayaa maanta ka guray geedihii  ka baxay wadada labadeeda dhinac oo ay ku soo dhuuman jireen mararka ay weeraro gaadmo ku soo qaadayaan xiliyada qaar marka ay dhacayaan dagaal.

Xiritaanka Wadadan ayaa la  sheegay inay qeyb ka tahay dhibka loo geysanayo dadka shacabka ah, sidoo kale waxaa la dareemay in xaalada dagaal ay  kacsan tahay, waxaa Ciidamada labada dhinac  ay wadaan dhaqdhaqaaq iyo diyaar-garow hab dagaal.

Ugu danbayntiina wadadan ayaa ah  wadada kaliya oo marin ahaan ay u isticmaalaan gaadiid iyo dadka doonayo inay ka soo dukaamaystaan Suuqa Bakaaraha oo ah meel ay ka adegtaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: