Khilaaf adag oo soo kala dhexgalay Saraakiisha Booliska iyo Militariga dowladda KMG.

Halkaan ka akhri

Khilaaf iyo Muran xoog badan ayaa soo kala dhexgalay Saraakiisha Boliiska iyo Militariga kuwaasi oo isku haysta Laba Askari oo shalay dil gaystay.

Waxaa lagu soo warramay in Saraakiisha Boliiska Dowlada KMG ah ay ka biya diidan yihiin codsi ka yimid Madaxda Militariga ka kadib markii Boliiska ay soo qabteen Laba Askari ooka tirsan Militariga ay shalay dad ku dilay degmada Xamarweyne.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Boliiska Saldhiga Afar Irdood ay shalay gacanta ku dhigay Labada Askari Militari ah oo dil u gaystay qof rayid ah iyo Nin aan dares wadan balse la sheegay inay ka mid ahaayeen Boliiska, wuxuuna dilkaasi uu ka dhacay agagaarka Masjidka Marwaas ee degmada X/Weyne.

Labada nin oo ka tirsanaa Militariga Dowladda ayaa haatan la isku haystaa waxaana Saraakiisha Militariga ay dalbadeen in si deg-deg ah loo soo daayo Labada Askari.

Labada Askari ee dilka bareerka ah gaystay ayaa haatan u xeran Boliiska, waxaana laga baqanayaa in ay awood ku soo furtaan saraakiisha Militariga ah oo awood ahaan ka sareeya Ciidamada Boliiska.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Saraakiisha Boliiska iyo Militariga ay qaateen Shir ay uga wada hadlaayeen dhacdada dilka ah, balse ugu dambeyntii lagu kala istaagan, kadibna waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Saldhiga Afar Irdood oo uu Madax ka yahay sargaal Booliis ah oo diidan in ragaasi gacantooda laga bixiyo.

Sida la wada ogsoon yahay dilalka ay gaystaan Militariga dowladda KMG ayaa waxaa joogta ka noqday Degmada Xamarweyne oo dhowr jeer oo hore lagu dilay dad rayid ah iyo Ciidanka Boliiska oo mararka qaar hubka laga dhaco.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: