Dagaalo iyo duqeymo culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir dagaalo iyo duqeymo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba, dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.

 

Inta la ogyahay ilaa 3 qof oo rayid ah oo mid ka mid ah ay tahay Haweeneey ayaa ku geeriyootay tiro 7-kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaaladii iyo duqeymihii xooganaa ee xalay ka dhacay dhinaca degmooyinka Woqooyi ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay 3-da qof ee geeriyootay ayaa waxay ku dhinteen aga gaarka xaafadda Xamar-bile ee degmada Wardheegleey ee gobolka Banaadir kadib markii goob ay ku suganayeen uu ku soo dhacay Madfac, waxaana sidoo kale jira madaafiic iyana ku dhacday aga gaarka Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, halkasi oo la sheegay in laga qaaday ilaa 7qof oo waxyeeleeyey madfac goobtaasi ku dhacay.

Hase yeeshee waxaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladii iyo duqeymihii xalay ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis, iyadoo inta badan goobaha xalay ay dagaaladu ka dhaceen ay yihiin meelo horey ay ugu barakceen qoysaskii daganaa.

 

 

Si kasta ha ahaatee  ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada AL Shabaab oo ku aadan dagaaladii iyo duqeymihii is bar bar socday oo xalay ku dhexmaray degmooyin ku yaala Woqooyiga magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: