Al-Shabaab oo ku dhawaaqday in aysan joojin doonin dagaalka ilaa ay ka gaarayaan caasimadaha Mareykanka iyo Ruushka.

Halkaan ka akhri

Sarkaalka uga Mas’uulka ah  xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Sheikh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo munaasabada ciida ee shalay ka hadalayay ayaa sheegay in lagu guuleystay halgankii lagula jiray cadawga Ilaaheey, isagoo ka dhawaajiyay in aysan joojin doonin dagaalka ilaa ay ka gaaraan Caasimadaha Mareykanka iyo Ruushka.

Sarkaalkan ayaa in Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ka jiraan dhibaatooyin xoogan Hase ahaatee  ayuu yiri in  mar dhaw la mid noqon doonaan Caasimadaha Caalamka ugu waaweyn gaar ahaan Washinton iyo Mosko.

Sheikh Cali Xuseen ayaa waxa uu sheegay in “Stadium Muqdisho ay Cadawga saldhig u aheyd, yaana leys dhihin lama gaari karo Marwaas iyo Villada, inshaa’alaah waxaan ku tukan doonaa munaasabadaha dhow” ayuu ku hanjabay Sheikh Cali Xuseen (Cali Jabal). Sidoo kale Sheikh Cali wuxuu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dhibka loo geysanayo Maalinkasta loo aari doono mar uun maalin maalmaha ka mid ah.
 
Dhanka kale
Sheikh Cali ayaa Haweenka iyo caruurta ku dhiiri geliya in ay dhinacooda ka galaan waxa uu ugu yeeray jihaadka oo aysan cid fasax uga baahneyn ayna tahay waajibaad sida uu sheegay muqadas ah.

 

Si kasta ha ahaatee Wakiilka G/Banaadir ee xarakada Al-Shabaab Sheikh Cali Xuseen  ayaa uga digay waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda ka celiyaan wadamada gaalada, wuxuuna sheegay in ay la socdaan waalidiin badan oo caruurtooda u diray dibada, isagoo tusaale u soo qaatay dhalinyaro uu sheegay in tababar loogu qaaday dalka Uganda iyo Jabuuti si ay dagaalka ula galaan Gaalada.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: