Qarax Miino oo maanta ciidamada nabad ilaalinta AMISOM lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Qarax Miino ah ayaa maanta lagula beegsaday guuto ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Burundi oo ka mid ah  Ciidamada Midowga Afrika Nabad ilaalinta (AMISOM) ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kolonyo Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee Burundi  oo marayey wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagula beegsaday Qarax xoogan oo Miina ah, qaraxaas oo mar qura laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, kadibna la maqlayey dhawaqa rasaasta ay furayaan ciidamada Burundi ee AMISOM, iyadoona ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah uu qaraxaasi geystay.
Wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameeyay qaraxaasi, waxaana hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii caadiga ahaa ee wadadaasi ka jiray.

Mid ka mid ah darawalada baabuurta Blda ee wadada warshadaha ka howl gela ayaa la sheegay inuu ku  dhaawacmay qaraxaasi,waxaana warkan laga soo xigtay  goob jooge ku dhowaa goobta uu qaraxa  ka dhacay wuxuu xaqiijiyay in ninka darawalka ah ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamadaasi.

Si kasta ha ahaatee, Qaraxani ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan kaasoo ahaa miinada dhulka lagu aaso, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray ciidamada AMISOM.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo qarax miino ah lala beegsado kolonyo ciidan oo ka mid ah Ciidamada Nabad dhaliyaasa ee AMISOM, wuxuuna qeyb ka yahay qaraxan, qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: