Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in Soomaalida ay soo martay dhibaato ku filan, uguna baaqay inay joojiyaan Colaada.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa munaasabada ciidul Adxa awgeed wuxuu shacbiga Soomaaliyeed Alle uga baryey in dhibaatada mudo 20 sano ah ku habsatay uu ka saaro, taasoo u ah cashar ugu filan inay ku cibro qaataan.

Madaxweyne Geelle oo hadalkiisa sii wato wuxuu Yiri: “Soomaalida dhibaato ku filan wey soo martay, balse waxaan ugu b
aaqeynaa inay maskax fiyow la yimadaan oo ay wada hadal miiska dushiisa ah ay isugu yimaadaan una turaan walaalahooga dhibaateysan”.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Jabuuti  wuxuu hambalyo u diray xukuumada Somaliland oo uu ku amaanay in ay dhigtay iskoor la xariira duurashda Diimoqraadiyada xurta iyo xalaasha ah, isagoo Somaliland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo dibu dhiska.

Maxadweyne Geelle oo ka hadlayay tartanka doorashada jabuuti ayaa ugu baaqay kooxaha mucaaradka ee Jabuuti inay ka soo qeyb galaan tartanka doorashooyinka ayna mesha ka saaraan qabiilka oo qofna uusan madaxweyne ka dhigi karin, waayo ayuu yiri dalka qabiilo oo kaliya ma laha ee tartanka ha loo soo baxo ayuu yiri Madaxweynihu.

SomaliSwiss    Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: