Ciidamada Xisbul Islaam oo Howlgalo ka sameeyey inta u dhexeysa Wanlawayn iyo Buur-hakaba.

Halkaan ka akhri

Ciidamada ka tirsan Xisbul Islaam ayaa howlgalo Amaan sugid ah ka sameeyey inta u dhexeysa Wanlawayn iyo Buur-hakaba waxaana howlagaladaas lagu soo qab qabtay dad loogu shakiyey inay yihiin burcad dhibaata u gaysata dadka baabuurta iyo dadka musaafarka ah.

 

Howlgaladaani oo ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay ka sameeyeen wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Wanlawayn iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Bay ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu sugayo amaanka.

 

Sida lagu soo warramay waxaa howlgaladaasi ay ciidamada Xisbul Islaam ku soo qab qabteen ilaa iyo afar qof oo burcad ah kuwaasi oo ay sheegeen inay falal dhac ah ka gaysanayeen wadada isku xirta labadaasi gobol.

Kooxahaani la sheegay inay burcad ahayeen islamarkaana laga soo qab qabtay dhabaha xiriiriya degmooyinka Buur-hakaba iyo Wanlwayan ayaa loo taxaabay xabis wayn ee ku yaala degmadaasi, iyadoo maamulka degmadaasi uu sheegay in Maxkamad la horkeeni doono islamarkaana lagu qaadi doono Shareecad Islaamka.

 

 

 

Hase yeeshee ma ahan markii uga horreysay oo ay Ciidamada Xisbul Islaam ay howlgal ka sameeyaan wadadaas, balse waxaa jirtay dhowr jeer oo hore ay wadadaas ka dhacay falal lagu wax yeelaynayo dadka Rakaabka iyo gaadiidka Isticmaala wadadaasi, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay soo wajahay dadka isaga kala goosha wadadaasi cabsi iyo qal qal ay ka qabaan kooxo ka qowlaysata wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Buur-hakaba iyo Wanlawayn ee ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Bay.

SomaliSwiss Wanlawayn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: