Maraykanka oo lagu Maxkamadeynayo Gabar Soomaaliyeed oo loo haysto inay maalgelisay Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa dacwad argagixiso taakulayn ah ku eedeysay Gabar Soomaali ah oo degan gobolka California ee

Dalka Mareykanka, taas oo lagu soo oogay dacwad ah; inay lacag iyo Dhaqaale kale siisay Xarakada Al-Shabab ee dalka Somalia, si ay ugu adeeg sadaaan howlaha dagaalka iyo dilalka ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo wadamada Africa.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Nimca Cali Yuusuf, ayaa teegeertay Al-Shabab, sida ay shaaca ka qaadday qareennadda dacwadda ku oogaya, Sabrina Feve oo ku adkaysanaysa inay hayso cadayman in gabadhaasi siyaabo kala duwan dhaqaale ugu taageertay Xarakada Al-Shabaab.

Nimca oo xabsiga loo taxaabay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa shalay lasoo taagay Maxkamad, waana qofkii Afaraad ee Soomaali ah oo muddo laba bilood gudahooda lagu maxkamadeeyo wadanka Maraykanka, gaarahaan, magaalada San Diego ee gobolka California, arrimo la xiriira Al-shabaab taakulayn.

Nimco Yuusuf oo aan weli qaadan dhalashada Maraykanka hase yeeshee haysata deganaashaha rasmiga ah ee Green Card-ka ayaa sidoo kale hay’adda F.B.I-du u haysataa inay Been u sheegtay hay’addaas iyo waaxda socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha

SomaliSwiss  California
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: