Xarakada Al-Shabaab oo Maanta Qabuuro Burburin ka wada degmada Warsheekh.

Halkan ka akhri

Koox  ka mid ah Xarakada Al-Shabaab ayaa sakay aroortii hore  waxay ku kalaheen Degmada caanka ku ah fidina diinta islaamka, halkaasi oo ay ku yaalaan qabuuro ay ku Aasan yihiin Culuma’udiin fara badan kuwaasi oo magac iyo maamuus ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Xarakada Al-Shabaab ku caan baxay bur-burinta iyo baabi’inta raad raaca islaamka ayaa durba waxa ay bilaabeen inay burburinta astaamaha Islaamka iyagoo dhulka la simay Madarasooyin diinta lagu barto, sidoo kalena ay iminka ku howlan yihiin bur burinta qabuuraha ku yaalo  degmada Warsheekh.

Sida la wada ogsoon yahay Degmada warsheekh waxaa ku duugan culuma’udiin caan ah sida Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celi), Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi, Sheekh Abiikar Mixdaar, ), Sheekh Da’ud Cali Idiris, Xaaji Maxamud (Sirmaqabe), Macalin Da’ud macalin Nuur iyo qaar kaloo fara badan oo halkaan lagu soo koobi karin.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Xakada Al-Shabaab ay burburisa qabuuraha Culamaa’udiinka Soomaaliyeed ee Caanka ku ah faafinta Diinta Islaamka, balse wax lala yaaba ma ahan ficillada ay sameynayaan Maamulka Xarakada Al-Shabaab, balse waan arki doonaa halka ay la gaarta arrintan!!!!!!!

SomaliSwiss    Warsheekh

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: