Warkii ugu danbeeyey ee sii deynta Lamaanaha u dhashay Wadanka Ingiriiska Paul iyo xaaskiisa Richel Chandler.

Halkan ka akhri

Waxaa xuriyadooda si buuxda u helay Lamaanihii u dhashay wadanka Ingiriiska  oo  ay gacanta ugu jireen Kooxdii Afduubatay muddo sanad ka badan lagu haystay Xeebaha Soomaaliya, balse maanta si toos ah u helay xuriyadooda, lana sii daayay.

Sida aad ka war qabtaan Paul iyo xaaskiisa Richel Chandler ayaa la soo qafaashay 23-Bishii October 2009 ayaa muddo sanad ka dib maanta haystay Xuriyadooda waxaana saacadaha ka hor lagu wareejiyay maamulka Xumin iyo Xeeb.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in lamaanaha lagu sii daayay lacag u dhexeysa 320,000-Dolllar illaa 400,000-Dollar oo ay heleen raggii qafaashay Lamaanahaasi oo mudada sanadka ka badan haystay.

Madaxweyne Goboleedka xukumada Maamulka Xubin iyo Xeeb Mudane Maxamed C/llaahi Tiicey ayaa daaha ka qaaday in Lamaanaha ay maanta u duulayaan dalkooda, wuxuuna sheegay inay dhawaanahan ay wadeen dadaalo lacagahaasi lagu aqbalsiinayay raga Burcada ah oo haystay Lamaanaha ka gadaal markii ay diideen in ay qaataan lacagtaasi oo ahayd mid ku yar marka loo eego qarashkii ay hore u dalbadeen.

Si kasta ha ahaatee Caafimaadka Lamaanaha ayaa ah mid aad u wanagsan, waxaana hatan ay u tagayaan dadkoodii oo ay ka maqnaayeen muddo Sanad ah oo xaalad adag soo wajahday Noloshood

SomaliSwiss    Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: