Lamaanihii u dhashay Wadanka Ingiriiska oo lagu guuleystay in laga sii daayo gacanta Afduubayaasha.

Halkan ka akhri

Mas’uul u hadlay maamul Goboleedka  Ximin iyo Xeeb ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in maamulkiisu uu ku guuleystay in laga sii daayo gacanta kooxdii  afduubka u haysatay Lamaanaha u dhashay Dalka Ingiriiska ee Rechal iyo Poul.

Kadib markii saakay lagu guuleystay in laga sii daayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida lamaanihii u dhashay wadanka Ingiriiska, ayaa barqanimadii maanta lamaanahaasi waxaa ay diyaarad yar ka soo qaaday garoon kuyaala degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Max’ed Aadan Tiicey oo daqiiqado kadib la hadlayay Shabele xiligii lamaanahaasi ay kasoo duulen degmada Cadaado ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad yar lagu soo doonay Paul and Rachel Chandlers isagoo sheegay inay u soo kicitimeen Magaalada Muqdisho. 

Waxaa uu tilmaamay in saakay lamaanahaasi ay ka soo kaxeeyeen meel 120 km u jirta degmada Cadaado halkaasi oo ay keeneen kooxaha burcad badeeda ee mudada gacanta ku hayay, isagoo carabka ku dhiftay in sii deynta lamaanahaasi ay gacan weyn ka geysteen jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb. 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Ximan iyo Xeeb ayaa ka gaabsaday Su’aal ay Warbaahinta weydiisay oo aheeyd in la dhameystiray lacagtii madax furashada ee ay doonayen kooxaha burcad badeeda Soomaalida hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhiftay in dadaalo dheer kadib lagu guuleystay in dadkaasi xoriyadooda ay dib u helaan. 

Lamaanahaani ayaa la filayaa in marka ay yimaadaan Magaalada Muqdisho ay u sii kici timaan Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya, halkaasi oo la filayo in saaxaafada ay kula hadlaan.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta maamulkaas in saakay ku sugan yihiin lamaanaha Xarunta mamulka Ximin iyo Xeeb Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay si rasmi ah ugu guuleysteen wada hadal ay kula jireen kooxihii afduubayaasha ahaa.

Hase yeeshee ilaa haatan lama oga in dhaqaale madax furasho ah lagu bixiyey sii deynta lamaanahaas, balse waxaan shaki ku jirin inay jiraan lacag loogu magacdaray “guno madax furasho ah” oo la bixiyey, maadamaa kooxaha Burcad badeeda Afduubka u heystay lamaanahaas oo ay ku doonayeen sii deyntooda ina ka helaan  dhaqaale.

SomaliSwiss    Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: