Lamaanayaashii u dhashay dalka Ingiriiska oo soo gaaray Magaalda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkan ka akhri

Waxaa duhurnimadii maanta Garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde airport ee magaalada Muqdishayaa ka soo degtay   diyaarad siday Paul iyo  Rachel Chandler, waxaana socdaalkooda ku wehliyay Dr. Maxamed Xangul iyo Maxamuud Daahir Qooleey oo ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Waxaa Lamaanahaan lagu soo qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay leeyihiin Ciidamada  AMISOM, waxaana loola soo dhaqaaqay dhinaca xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, waxaana xaflad soo dhaweyn ah u dhigay ku simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan, R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, wasiiro ka tirsan Dowladda iyo xildhibaano.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta munaasabaddaas hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Barlamaanka wuxuuna  u sheegay  lamaanaha Ingiriiska in Dowladda Soomaaliya ay xanuunka la wadaagtay lamaanahaan haddana ay la wadaagayaan shacabka, Dowladda iyo Lamaanahaan Ingiriiska ah xornimada ay dib u heleen, isagoo u mahad celiyay dhinacyadii ka qeyb qaatay dadaalka lagu soo daayey.

Waxaa kaloo soo dhaweyntaas ka hadlay R/wasaare Farmaajo ayaa yiri “gacmo furan ku soo dhawaada adinkoo heysta xornimo” wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan u gashay sidii loo sii deyn lahaa dadkaan haddana ay ku faraxsan tahay xornimada ay heleen.

Dhanka kale Paul and Rachel Chandler oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin xornimada ay dib u heleen, waxayna sheegeen in ay dhibaato Jireed iyo mid maskaxeed ay soo gaartay inti ay ku jireen gacanta afduubayaasha, waxayna tilmaameen in aysan ogeyn in madax furasho laga dhiibay iyo in kale.

Hase yeeshee Lamaanaha ayaa u mahad celiyay Dowladda Soomaaliya, maamullada gobollada dhexe iyo dhamaan dadkii gacanta ka geystay sii deyntooda.

Sida laga war qabo Paul and Rachel Chandler, waxaa la afduubtay 23 October 2009, waxayna ku jireen gacanta kooxo burcad badeed ah oo ka doonayay lacag madax furasho ah, shalay ayayna xorriyadooda dib u heleen.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: