Golaha Wasiirada Cusub Magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan.

HOOS KA AKHRI LIISKA

Halkan ka akhri

Kadib ku dhowaad laba Asbuuc oo la sugayay gollaha wasiirada cusub ayaa is jiijiid lagula dhawaaqay golle wasiiro ah oo aad uga tira yar kuwii ka horeeyay dowladii is-casishayn,iyadoo ay ka soo galeen Dr. Maxamud Garweyne oo loo magacaabay wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo Xuseen Cabdi Xalane oo lagu celiyay wasaaradda Maaliyada iyo lacagta, iyadoo intii kalena iska sabra lagu sagootiyay, hadaba waa kuwan magacyada cusub, waxaana loo qeybiyay 4.5.

1. Cadullaahi Ebyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta {Dir, Biyo maal}.

2. Maxamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda {Dir, Isaaq, Habar Awal}

3. Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Ra’isul Wasaare ku xigeen Wasiirka Gaashaandhigga {Raxaweyn, Digil, Dabare}.

4. Porf. C/weli Maxamed Cali Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga {Daarood, Majeerteen, Cumar Maxamuud}.

5. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Hawiye, Habar gidir, Ceyr}.

6. Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta {Daarood, Ogaadeen, Cowlyahan}.

7. Drs. Maryama Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska {Beesha 5-aad, Baandiri}.

8. Yuusuf Macalin Amiin {Baadiyow} Wasiirka Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha {Raxaweyn, Mirifle, Liisaan}.

9. Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada {Beesha 5-aad, Jareer weyne}.

10. C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Daarood, Dhubahate, Cali Geri}.

11. C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha {Dhallinyarada iyo Isboortiga {Dir, Surre}.

12. Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda iyo Kheyraadka Badda {Hawiye, Murusade}.

13. Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka {Dir, Isaaq, Habar Yoonis}.

14. Maxamuud Maxamed Boonow Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib u heshiisiinta Mirifle {Raxaweyn, Mirifle Hadme}.

15. C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska {Daarood, leelkase}.

16. C/risaaq Sheekh Muxyadiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka {Raxaweyn, Mirifle, Eelaay}.

17. C/nuur Sheekh Maxamed Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha iyo Tacliinta Sare {Hawiye, Xawaadle}.

18. Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim {Garweyne} Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha {Hawiye, Gaaljecel, Abti-Same.

Somaliswiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: