Advertisements

C/risaaq Jurille oo markii Labaad iibsaday hantidii qaranka Soomaaliyeed

Halkan ka akhri

Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta C/risaaq Jurile ayaa markii labaad iibsaday wixii ka haray astaantii qaranka soomaaliya, gaarahaan Domainkii qaranka soomaaliyeed ee markii lasoo gaabiyo loo yaqaan dot SO.

Wasiirkii Boosatada Cabdirisaaq Juriile ayaa iibsaday Domain-ka SO.com, iyadoo uu Heshiis Qarsoodi ah oo ka dhacay Nairobi iyo Tokyo oo Shirkad Laga leeyahay Dalka Japan  uu kaga iibiyey Domain-ka Rugta Internetka rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya (SO), shirkaddaasina noqonayso midda maamusha….

Sida caadiga ah dowlad Kasta waxay leedahay domain qaran, tusaale ahaan, UK, .CO.UK, Norway .No, Kenya .co.ke , sidaas darteed dowlad akstaahi waxay leedahay astaan bar internet oo u gaar ah oo lagu yaqaan, Somaliya waxay lahayd .SO.

Dhowaan ahan waxaa soo shaac baxayey in Sarakiisha Dowlada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay iibisanayaan hanti guud ee dalka, iyadoo ay ugu dambeysay bililiqadaani magaca guud ee Diiwaanka u ah DOMAIN-ka Internetka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo .SO in shirkaddaasi maamusho.

Arrintaas waxaa shaaca ka sii qaaday waraysi uu bixiyey sarkaal ka socda shirkadda lagu magacaabo GMO (http://gmoregistry.com) oo ah shirkad laga leeyahay dalka Japan oo ah tan iibsatey Domainka .SO.

Sarkaalka u hadlayey shirkadda oo lagumagacaabo Hiro Tsukahara oo wax laga weydiiyey sidii uu u dhacay xiriirkii uu la yeeshay Soomaaliya iyo sidii uu kula soo wareegey Domain-ka .SO iyo cidda dalka Soomaaliya ka socota oo uu la xiriiray waxa uu yiri “Markii ugu horeyey ragga ka socda Soomaaliya waxaan ku kulanay Nairobi, ka hor intii aanaan la kulmin ICANN horaantii sannadkan. Isla markiiba si degdeg ay ah ayaan u wada fariisanay si aan u wada hadallo, waxaana markale oo taas ka dambaysa ku kulanay magaalada Tokyo si aan u dhamaystiro heshiiska. Dadkaas aan la hadalay waxay wakiil ka ahaayeen Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (Soomaaliya).

November 1, 2010 ayaa si rasmi ah suuq geyn loogu bilaabay Domain-ka .SO (http://www.soregistry.so/), taas oo muujinaysa in si rasmi ah shirkadda reer Japan ee GMOlagu wareejiyey hanti Domainka Soomaaliyeed ee SO.

Cilmiga ka dambeeya Domainka waa mid la xiriira ammaanka – waayo cidda Domainkaas haysata ama maamusha ayaa waxaa soo maraya dhammaan xogta la marsiiyo Domainkaas. Tusaale ahaan GOV.SO waxaa yeelan kara xukuumadda Soomaaliyeed iyo hay’deheeda (sida PRESIDENT.GOV.SO), wixii markaas email iyo xog ah ee hay’adaha dawladdu isu diraan waxay sii maraysaa shirkad ajnabi ah, taas oo sidey doonto ka yeeli karta xog noqon karta sir qaran.

Jurille waxaa uu hore shirkjad Sacuudiyaan ah uga iibsaday dhamaan sharciyada telecommunicationka soomaaliya,gaarahaan qaybaha Telefoonada iyo Broadband-ka, taas oo uu kaga qaatay $25,000,000 doollar  oo uu kaga ijaartay 25 sano oo soo socota, shirkadaas ayaana hadda sidii ay doonto ka yeeli karta isgaarsiinta Soomaaliya oo dhan.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: