Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Sheikh Shariif oo u duulay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Halkan ka akhri

Waxaa saaka ka duulay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxayna ku sii jeedeen dalka Sacuudiga si ay u soo gutaan Waajibaadka Xajka.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore ee dhacday Sida Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha, Cumar Cali Rooble oo ahaa wasiirkii hore ee dhaqan celinta Maleeshiyaadka, C/kariim Axmed Cali oo ahaa wasiirkii hore ee Garsoorka iyo Cadaalada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan dalka Sacuudiga ay gaareen dad farabadan oo Soomaali ah oo fursadaasi ay siisay dowladda KMG Soomaaliya si ay xajka u soo gutaan.

 

 

Sida la sheegay in Safarka Madaxweynaha dowladda KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafdigiisa uu ku soo beegmaya xili xalay Madaxweynuhu uu gudoomiyaha Barlamanka iyo Xildhibaanada dowladda KMG uu ka codsaday in ansixinta xukuumada cusub laga dhigo marka laga baxo ciida Carafo.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: