Maamul goboleedka Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saaray in ay adag tahay wada shaqeyn dhex marta iyaga iyo dowladda KMG.

Halkan ka akhri

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay adag tahay sii socoshada wada shaqeyn buuxda oo dhex martay iyaga iyo Dowladda Dhexe ee soomaaliya, waxayna soo saareen Warsaxaafadeed ay uga hadlaan arrimahaasi.

Warsaxaafadeedkaas waxaa saxaafada u akhriyey wasiir-dowlalaha Dastuurka iyo arrimaha Fedraalka Maamul Goboleedka Puntland Dr. Abdi Xasan Jimcaale.

wuxuu  u qornaa sidan hoos ku qoran:-

1- In Puntland ka xuntahay hirgalin la’aanta ama hurumar la’aanta heshiiska kor ku xusan.
2- In Puntland ka welwelsan tahay rabitaan la’aanta dowlada Federaalka ah in la hirgaliyo Dastuurka Federaalka ah ee qabyada ah.
3- In Puntland oo ka welwelsan dagaalka joogtada ah ee u dhexeeya madaxda dowlada Federaalka taasoo calaamad su’aal saareysa jiritaanka dowlada Federaalka ah laftigeeda.
4- In Puntland aad uga welwelsan hab dhaqanka dowlada Fedraalka ah marka ay timaado xiriirka caalamiga ah taasoo hanjabaad iyo badalad lagula dhaqaaqo diplumaasiyiinta dowlada Fedraalka ee asal ahaan kasoo jeeda Puntland.
5- Puntland waxa kale oo ay welwel ka muujisay qoraal dhowaan lagu daabacey jaraa’idka la yiraahdo “The Huffington post” 5 Nov,2010 kaasoo wakiilka dowlada Sheikh Shariif ee Washington ku dhaliilayey siyaasadda Mareykanka ee ku aadan Puntland iyo Somaliland.
6- Puntland waxaa sidoo kale welwel ka muujineysaa tageerada maamulka Sheikh Shariif uu siinayo shaqsiyaadka u guntadey burburinta jiritaanka Puntland.

Hase yeeshee maamul Goboleedka Puntland wuxuu si cad ugu sheegay  Warsaxaafadeedkaas  in ay adag tahay sii socoshada Xariirka dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, iyagoo la eegaya qodobada kor ku xusan oo ay shegeen in dowladda KMG ku ballan furtay heshiisyo badan oo ay wada galeen maamulka iyo Dowladda Dhexe ee KMG ah.

Waxaa saxaafada u akhriyey wasiir dowlalaha Dastuurka iyo arrimaha Fedraalka Maamulka isku magacaabay Puntland Dr. Abdi Xasan Jimcaale.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: