Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo ka badbaaday qarax Miino oo lala beegsaday.

Halkan ka akhri

Shalay Salaadii Jimacaha Markii  ay dhammaatay kadib xili uu hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys ka soo baxay Masjidka Abuu Hureera oo saldhig u ah Xarakada Al-Shabaab, ayaa kolanyo Baabuur ah oo kamid aheyd ilaaladiisa ay ka badbaadeen daqiiqada yar qarax xoogan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea.

Sida lagu soo warramay waxaa muran badan uu ka dhashay ujeedka Qaraxan,iyadoo looga shakiyay inuu ahaa mid loogu dan lahaa in lagu khaarijiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys,  hase ahaatee wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan qaraxa in uu ahaa miino wadada lagu aasay, isla markaana loogu tala galay in lagu fuliyo howlaha u qaaska ah kooxda Al-Shabaab, halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay guri ku yaala Isgoyska Baar Ubax oo lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa.

Dhanka kale  waxaa la sheegay in qaraxaas uu ka dhashay dab xoog badan kaasoo ay ku basbeeleen Saddex guri oo isku dhawaa, wuxuuna geystay sida la sheegay khasaare hantiyeed halka ay laba qof oo rayid ahina ay ku dhaawacmeen, mana jirin cid u soo gurmatay daminta dabkaasi marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo adeegsanayay jiirigaaman biyo ah iyo ciid.

Hase yeeshe ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo iyagu dhowr jeer horay dagaalo kooban iyo dilal qoorsheysan isla beegsadeen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: