Darmaan: “Beesha Caalamka waxay isbaaro u dhigatay siyaasadda Soomaaliya, Soomaaliduna waxay isbaaro u dhigatay Badaheeda”.

Halkan ka akhri

War uu noo soo diray Wariye Ilyaas Adam Haji  Xasan oo ah Wariye madaxbanaan ayaa sheegay in shalay galab uu kula kulmay Hotel RADISSON oo ku yaala Zurich Airpory ee dalkan Switzerland ee uu degganaa  Dr. Abdinur Ahmed Darmaan oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo muddo gaaban howl gaar ah u joogay dalkan Switzerland, wuxuuna ka wareystay Socdaalka uu ku soo gaaray dalka Switzerland, wuxuuna Mudane Darmaan ugu horreyntii ugu hambalyeeyay umadda soomaaliyeed Maalinta Barakeysan Ciidul adxaha ee nagu soo foolka leh.

Mudane Darmaan oo isagu goor hore isku sheegay inuu yahay Madaxweynada dalka Soomaaliya ayaa wuxuu  Wariyaha madaxbannaan ugu ka hadlay dhawr qodob oo muhiim ah, wuxuuna yiri: “waxaan idiin sheegayaa doorashadaydii  kadib waxaan wax badan ka qabtay in dad badan oo dhaawac ahaa iyo kuwo ku xanuunsanaa wadanka gudihiisa oo caafimaadkooda wax looga qaban waayay in aan dibeda u qaadna si loogu soo daaweeyo kuwaas tiradoodu  dhamayd 780 qof, balse arintaas waxay is taagtagy markii ay Ethiopia ay ku soo duushay dalkeena.

Mudane Abdinur Ahmed Darmaan oo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri: Ethiopia markii aan wadanka ka saarnay waxaa yimid cadow ka sii daran, dadkii ka qaxay dhibaatadana waxaa lagu xirxiray wadamo fara badan taaso aan dadaal fara badan ku bixinay sidii dadkaa loo sii dayn lahaa, hada waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo sii dayn lahaa kuwa ku xiran Libya, iyo Tanzania, hadana waad maqasheen in Zambia ay sii daayeen soomaalidii u xirnayd, hadana dad ayaan u diraynaa South Africa, si aan ugula hadalno dhibka lagu hayo dadka soomaalida ah ee ku nool dalkeeda.

Sidoo kale DR. Darmaan wuxuu sheegay  ee uu yiri: “Soomaaliya Soomaalida kaliya iskuma haysatee waxaa isku haysta quwado shisheeye inksastoo xanuunuka iyo dhibaatada ay ka socoto Soomaaliya, mar-dhowna isbedel ayaa imaan doono maadaama bulshada caalamka ay fahamtay dhibaatada soomaaliya waana la saxi  doona”.

Dhanka kale  Mudane Darmaan oo ka hadlayey  Burcad badeeda wuxuu sheegay in Caalamka uu isbaaro u dhigtay siyaasadii soomaaliya, soomaalidana ay isbaaro u dhigty badaheeda, waayo burcad badeedu waa dad loo diiday in ay Kaluunkooda soo jalaabtaan.

Ugu danbeyntii Mudane  . C/nuur Darmaan  wuxuu carrabka ku dhiftay  ee uu yiri: “aniga ma dhahayo hawl fiican ayaan qabtay, balse waxaan leeyahay aduunka inay wax u qabtaan dadka ku tabaaloobay dagaalada aan dhammaadka lahayn oo daafaha aduunka ku kala firdhaday, sidoo kale dhalinyarada Soomaalida  ah waxaan u sheegayaa in ay arinta Burcad badeednimada ka waan toobaan waayo indhihii caalamka ayaa ku soo jeedisay.

Si kasta ha ahaatee Mudane Abdinur Ahmed Darmaan wuxuu sheegay in isla maanta u socdaalayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya

 

 

SomaliSwiss Wariye Ilyaas Aadan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: