Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Yemen oo ka warbixiyey kulankii dhowaan dalkaasi ka dhacay ee looga hadlayay Burcad badeedda.

Halkan ka akhri

Qunsulka Safaaradda Soomalida ee dalka Yemen ayaa ka warbixisyey kulan ay ka soo qeybgaleen wadamo dhowr ah, loogana hadlayay arimaha Burcad Badeeda oo shalay  dalkaasi lagu soo gebagebeeyay.

Xuseen Xaaji Axmed oo Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Yemen ayaa Warbaahinta Soomaaliya u sheegay in Dowlada Yemen oo kulankaasi martigelineeysay R/wasaaraha dalka Yemen, wuxuuna kulankaasi ka caddeeyay in si mandiqada looga joojiyo Burcad badeeda marka hore loo baahanyahay in Dowladdii Soomaaliyeed oo xoog leh la soo celiyo, taas oo awood u yeelata in ay Kontoroosho Xuduudeeda, Hawadeeda iyo Baddeedaba.

Dhanka kale Qunsulka wuxuu sheegay in  Kulankaas looga hadlay arrinta ku saabsan wasaqda lagu soo daadiyo Badaha Soomaliya, iyo sida wax looga qaban karo, taa u baahan in si wadajir ah ay isaga kaashadaan wadamada ku yaala Mandaqadaas, siiba Soomaaliya iyo Yeman.

Sida la wada ogsoon yaha Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo dhowr ah oo looga hadlayay arinta ku saabsan Burcad badeedda iyadoo afduubka Maraakiibta ee Burcad badeeduna uu sii kordhayo xilli Maraakiib dagaal oo farabadan ay gaafwareegayaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo u muuqda in ay wax ka qaban waayeen dhaqdhaqaaqa Burcad Badeeda.

SomaliSwiss Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: