Wasiirka Bani’aadamnimada oo kulamo la qaatay Hay’adaha Samafalka ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Halkan ka akhri

Wasiirka wasaaradda Bini’aadanimada iyo dib u dajinta ee dowlada KMG Soomaaliya Dr. Max’uud Cabdi Garweyne ayaa waxaa magaalda Nairobi ee dalka Kenya kulamo gaar gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaas oo uu sheegay wasiirku in uu kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan sidii gargaar bini’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Hay’addaha Qaramada Midoobay ee  UNHCR iyo UNICEF uu kala hadlay in gargaar loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo waliba xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska ku yaalla.

Mudane Garweyne wuxuu kaloo uu sheegay  inuu furay siminaar looga hadlayay nafaqa darrida iyo sida looga bixi karo, siminaarkaas oo ay ka qayb galayeen qaybaha kala duwa ee bulshada, waxaana goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur “Tarsan”

Wasiirku oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu kulamo la qaadan doono saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu kala hadli doono arrimaha bani’aadamnimada dalka iyo gargaar la gaarsiiyo Soomaalida ku barakacsan gudaha dalka.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: