Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkan ka akhri

Dagaalo culus ayaa xalay xaafadaha Degmada Boondheere ku dhex maray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada AMISOM oo ay kaabayaan Ciidamada dowladda KMG ee soomaaliya, waxayna labada dhinac isla dhaceen hubka qeybahiisa kala duwan.

waxaa Saaka Faah faahin dheeri ah ka soo baxay dagaaladii iyo duqeymadii xalay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarkada  Al Shabaab uu ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in uu sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaladaasi.

 

Sida lagu soo warramay dagaalada iyo duqeymaha ayaa waxaa barbar socday madaafiic ay is weedaarsanayeen labada dhinac, kuwaaso oo ku dhacayay goobo ka baxsan halka uu dagaalka ay ku dagaalamayeen, iyadoo dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

 

 

Sida ay xaqiijiyeen dad goob jooge yaal ah labo qof ayaa ku geeriyootay dagaaladaasi 5-kalana waa ay ku dhawacmeen kuwaasi oo madaafiicda ay ugu tagtay xaafadda Cali-kamiin ee degmada Wardheegleey ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale dadka ku dhaqan Woqooyiga caasimada Muqdisho ayaa saaka wax iska waydiinayay Madaafiicdii xalay iyo dagaalkii kharaara ee ka dhacay Degmada Boondheere.

 

 

Balse waxaan caddayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray dhinacyadii halkasi ku dagaalamay, hase ahaatee dagaalkii xalay ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dagaalo maalmihii u dambeeyay degmada Boondheere ku dhexmarayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinata Al Shabaab.

Si kasta ha ahaatee Xaalada meelihii lagu dagaalamay ayaa saaka caadi ku soo laabatay inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas teel teel ah oo weli ka dhacaysa xaafadaha Degmada Boondheere Muqdisho.

Hase yeeshee ilaa haaran wax war ah kama soo bixin Dowlada iyo Islaamiyiinta oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Boondheere wallow jawiga uu yahay mid yara xasiloon oo aan la isku halayn Karin.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: