Advertisements

Shir looga hadlayey la dagaalanka Burcad badeedda oo lagu soo gabagabeeyay dalka Yemen.

Halkan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Sanca ee dalka Yemen lagu soo gabagabeeyay Shir looga hadlayey la dagaalanka Burcad badeedda, waxaana shirkaas ka hadlay Wasiirka gaadiidka badda ee dowladda Yemen Khalid Al-wazir, wuxuuna sheegay isagoo u waramayey wakaalada wararka dalka Yemen u faafisa ee “Saba“ ayaa  sheegay in madaxdii ka qayb gashay kulankasi ay isku afgarteen sidii loo dardar gelin lahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxaha burcad badeeda ee Maraakiibta ka afduubta xeebaha  gacanka cadan iyo galbeedka badweynta  India.

Khalid Al-wazir ayaa ku tilmaamay xaalada ka soo dareyso ee xeebahaas in ay tahay qatarta ugu weyn ee ay kala kulmaan kooxaha  burcad badeeda Somalida maraakiibta marinkoodu yahay biyaha Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale Mudane Khalid Al-wazir ayaa hoosta ka xariiqay in magaalada Sanca laga furi doono xarunta xog uruurinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa burcad badeeda horaanta bisha janaayo ee sanadka cusub, Mudane Khalid Al-wazir wuxuu intaa ku daray in xaruntaasi ay si toos ah xiriir ula sameyn doonto ciidamada badda Midowga Yurub ee howl galka la dagaallanka burcad badeeda ka wada biyaha Gacanka Cadmeed si ay u sahlanaato soo afjarida kooxaha burcad badeeda ka qowleysta  xeebaha Gacanka Cadan.

Hase yeeshee Wasiirka gaadiidka badda ee dowladda Yemen Khalid Al-wazir ayaa wuxuu ku amaanay dadaalada caalamiga ah ee ay wadaan Hay’adda Badmareenada Caalamka iyo Midowga Yurub ee ku aaddan howl gallada lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda, waxaana uu ku borriyey in ay sii laba laabaan dadaaladasi.

Kulankaas waxaa soo qabanqaabisay wasaarada gadiidka badda ee dowladda Yemen socdayna muddo 3-cisho ah ayaa waxaa ka gayb galay Djibouti, Saudi Arabia, Omanm Eritrea, Sudan, Jordan iyo dalka Isutagga Imaaraadka carabta.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Kenya, Tanzania, South Korea, Holand. France, Guddiga Midowga Yurub, Hay’adda badmareenada Caalamka iyo Khubarro kale.

SomaliSwiss    Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: