Advertisements

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan oo shalay toogtay oday dhaqameed mid kalena xabsiga dhigay.

Halkan ka akhri

Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa shalay iyo maanta ku dhaqaaqay fal isugu jiray dil toogasho ah iyo xarig loo gaystay laba nabadoon oo reer Hiiraan ah. Nabadoon Maxamad Daan Gaab ayay Xarakada Al-Shabaab shalay ku toogteen tuulada Jiiqleey oo 21 Km waqooyi galbeed kaga began degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dilka Nabadoonka ayaa yimid ka gadaal markii ciidan hubaysan oo gawaari tiknikaa wataahi tageen tuulada, isla markaana toos u abaareen guriga nabadoonka, iyagoo dabaded-na isugu yeeray dadkii tuulada kuna toogtay nabadoonka meel fagaare ah.

Sida ay xaqiijinayaan xiriiro kala duwan oo aan ka helnay dadka degaanka Horjoogihii watay ciidankaas Shabaab ayaa dadkii tuulada u sheegay in sababta loo toogtay nabadoonka tahay, waa sida ay hadalka u dhigeene, in isaga iyo nabdoonno kale ay maleegeen dhowaan  jidgooyo ciidan Shabaab ah loogu dhigay tuuladaas loogana dilay 18 askari. Dhanka kale Xarakada ayaa Maanta Magaalada Beledweyne xabsiga u taxaabay nabadoon caan ka ah Magaalada oo la yiraahdo Nabadoon Maxamad Cabdulle.

Nabadoonka oo marar badan xiriir ashtakaa la sameeyay Mas’uuliyiinta Xarakada ee gobolkaas oo uu kala hadlayay dhibaatooyin ka dhacay xarakada oo loo geystay dad shacab ah iyo in wax yeelada laga daayo dadka aan waxba galabsan, isla markaana aan dadka deegaanka loo dhibaatayn fikirkooda ayaa Maanta gurigiisa laga watay.

Macadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xarigga Nabadoonka, hase yeeshee waxaa arrintaas walaac ka muujiyay reer Beledweyne oo la anfariirsanaa nabadoon kale oo shalay xarakadu toogatay, waxaana kacsan xaaladda Magaalada beledweyne.

SomaliSwiss Hiiraan
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: