Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo wiil iyo gabar shalay ku karbaashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Halkan ka akhri

Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee degmada Jalalaqsi ayaa shalay goob fagaare ah ku karbaashay Wiil iyo Gabar Dhallinyaro sheeko wadaag  ahaa ama is shukaan-sanayay, iyadoo lagu eedeeyay in ay ka baxeen xadka waqtiga loogu tala galay hasaawe wadaagida lamaanayaasha, sida ay goobta lagu uleeynayay ka sheegeen Mas’uuliyiinta Xarakada ee  gobolkaasi.

Wiilka iyo Gabadha oo kuwada sheekeysanayay guriga Gabadha ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in ay wada sheekeysi ku gaareen ilaa 9:00 Fiidnimo waqtiga Soomaaliya, taasi oo ay xarakadu ku macnaysay in ay tahay arrin xad gudub iyo fogaansho ku ah kulankooda wada sheekeynta.

Wiilka iyo Gabadha la karbaashay oo  20 jiryo ah ayaa falka lagu eedeeyay iyo xukunka lagu fuliyay waxaa ay dadkii fiirsanayay iyo kuwii garanayay ee magaalada ku noqotay arrin aan la arag oo la maqal in Laba qof oo sheekeysanaysa lagu xakumo ciqaab nuucaas oo kala ah, loona cuskaday inay dambi galeen.
 
SomaliSwiss Beledweyne
Advertisements
%d bloggers like this: