Advertisements

Xarakada Al-Shabab oo xabsiga degmada Balcad dhigay gudoomiyihii Xizbul Islaam ee magaalada Muqdisho Macalin Xaashi Maxamed.

Halkan ka akhri

War nasoo gaaray ayaa sheegaya  in xabsi ku yaala magaalada Balcad  ee gobolka Sh/ Dhexe uu  ku jiro gudoomiyihii Xizbul Islaam ee magaalada Muqdisho Macalin Xaashi Maxamed Faarax.

Sida ay wararku sheegayaan Macalin Xaashi Maxamed wuxuu mudo saddex Cisho ah ku jiraa xabsiga, balse waxaa laga war helay xariga gudoomiyihii Xibul Islaam Gobolka Banaadir oo Jimcihii gaaray degmada Balcad si uu Alshabaab uu ugala xaajoodo la wareegida Xerada Hiilweyne.

Waxaa lagu soo warramay in Macalin Xaashi Maxamed laga waayay Telfonkiisa Hawada iyada oo la ogaa in uu Balcad la tagay hal gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ilaalo kooban si uu wada hadal ula galo saraakiisha Shabaab hase yeeshee goor danbe la ogaaday in uu shabaab u xeran yahay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Salaadii Jimcaha Ka dib uu shir la galay Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee haysta  Maamulka G/Sh/dhexe iyo Masuulka Al-Shabaab uga wakiilka ah degmada Balcad, warku wuxuu intaa ku daray in Macallim Xaaahi iyo ilaaladiisa laga dhigay hubkooda kadibna i Xabsi la dhigay.

Dhanka kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka uu ku xeran yahay Macalin Xaashi iyadoo la sheegay in sarkaalka xarigiisa ka danbeeyey ay Ehel yihiin balse ay ku kala jiraan Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Wakiilka Gobolka Banaadir ee Xizbul Islaam ooa Xuriyada laga qaaday ayaa la sheegay in Xerada Hiilweyne uu mudda 10-sano ah haystay, kalana wareegay Cali Maxamed Xuseen gudoomiyaha Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho oo ay qaraaba dhow yihiin iyo sarkaalka madaxda ka ah degmada Balcad.

Balse La wareegida Al-shabaab Xerada Hiilweyne ayaa ka danbeysay kadib markii ay ka shakiyeen Ciidanka halkaasi daganaa oo la tilmaamay inuu lahaa Macalin Xaashi balse looga baqay in ay weerar ku qaadaan Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe.

Sida la wada ogsoon yahay Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiisha ugu tunka weyn Xizbul Islaam iyadoo Hubka dhigista iyo Xariga loo gaystay aanay weli ka hadlin Hogaamiyaha Xizbul Islaam  Xasan Daahir Aweys.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: