Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle.

Halkan ka akhri

Sida la wada ogsoon yahay waxaa ayaamahan ka socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulamo gooni gooni ah ee uu la qaadanayey Ra’iisul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya, kulumadaas oo looga hadlayay magacaabista Xukuumadda cusub.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ra’iisulwasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed  Formaajo iyo Xildhibaanadan ay ka wada hadleen qaabka loo magacaabayo Wasiirada csub ee dowladda KMG, kuwaasi oo ka koobnaan doona sida la sheegay 18 wasiir islamarkaana ka tayo wanaagsan wasiiradii hore.

Hase yeeshee Xildhibaanadan ayaa Ugu baaaqay Ra’iisul-wasaaraha dowladda in uusan soo magacaabin Wasiiradii xilalka ka soo qabtay serdaxdii xukuumad ee ugu dambeysay kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay ku guuldareysteen wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya.

Xalidhibaan Cali Sheekh Afgooye oo ka mid ahaa xildhibanadii kulanka la qaatay Ra’iisul wasaaraha ayaa Warbaahinta u sheegay in Ra’iisul-wasaare Formaajo uu ka ogolaaday talooyinka ay u soo jeediyeen islamarkaana la ilaaliyo habka awood qeybsiga.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanadii kulanka la qaatay Ra’iisul-wasaaraha ay ka soo jeedeen beelaha Digil iyo Mirifle, wuxuuna intaas uu raaciyey in markii uu soo gaba gaboobay kulankii ay la qaateen Ra’’iisul wasaaraha ay kulamo kale wada qaateen xildhibaanada Barlamanka islamarkaana ay soo saareen afar qodob oo ay ka mid tahay in xukuumada aan lagu soo darin hogaamiye kooxeedyadii uu sheegay inay dambiyo kala duwan ka soo galeen shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: