Advertisements

Qaramada Midoobey oo ka digtay awooda sii balaaranayso ee ay yeelanayaan Burcad Badeeda Soomaalida.

Halkan ka akhri

Qaramada Midoobe ayaa uga digtay beesha Caalamka  awooda sii balaaranaysa iyo dhiiranaanta Burcad Badeeda Soomaalida, taas oo laga yaaban yahay  heerka ay gaartay awoodooda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kooxaha burcad badeeda ay si aad ah u sii xoogaysanayaan awoodooda bilihii u danbeeyay, islamarkaana ay ku dhiiranayaan afduubidda Maraakiibta marayso biyaha Caalamigaee Badda Cas iyo Badweynta India.

Qaramada Midoobe ayaa xustay in Burcada ay yihiin kuwo maalinba maalinta ka danbeyso ay sii kordhayaan cadadooda iyo awoodoodaba, taasoo ka imaan karta halis badan oo sababi karta inay ka howl gelaan meelo ka baxsan Badaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana loo baahan yahay in la xakameeyo.

Sida runta ah waxaa arrinta xallinteeda daaha ka qaaday Safiirka Mareykanka ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay oo tilmaamay in aan arrintan la xalin karin inta fowdada iyo kala danbeyn la’aanta ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya oo ay Burcad badeeda ka sii faa’iidaysanayaan dhibaatada ka jirta dalka dagaalada aan dhammaadka lahayn ka socday muddada 20ka sano ah.

Sidoo kale Safiirku wuxuu walaac ka muujiyay nolosha dadka ay haatan haystaan Burcad Badeeda, wuxuuna sheegay in si feejigan loola socdo awooda burcad, balse ay taasi ka muhiimsan tahay in lala dagaalamo kooxdaas.

UN-ka ayaa waxa warbixin ka soo baxay waxaa lagu cadeeyay in raga Burcada ay haatan sii noqonaya in ay awood u leeyihiin inay ka soo afduubtaan dhinac kasta oo ka mid  Badweynta India.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: