Kooxo hubeysan oo xalay Bam gacmeed ku weeraray Hotel ku yaala magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhri

Waxaa xalay Bam gacmeed lagu weeraray Hotel  ku yaala magaalada Muqdisho ee magaciisu la yiraahdo Hotel Madiina, Qarax Bamkan ayaa la sheegay inuu khasaare u geystay qaar ka mid ah Ilaalada Hotelka iyo Mas‘uul ka tirsan Dowladda Dowladda KMG Soomaaliya. Sida lagu soo warramay Kooxo aan haybtooda la garaneynin ayaa la sheegay inay ka danbeeyeey qaraxa Bamkaas, wuxuuna ku dhacay qeybta lagu nasto ee Hotelka halkaasi oo ay joogeen masuuliyiin iyo Ilalaada, taasoo sahal ka dhigtay khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaraxa ay ku dhaawacmeen 4qof oo mid ka mid ah uu ahaa Sargaal sare oo ka tirsan Dowladda KMG, waxaana gaaray dhaawaca fudud halka dadka kale ay ahaayeen Ilaalo iyo dad rayid ahaa ee Hotelka ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ninka mas‘uulka ah oo ku dhaawacmay halkaas loola cararay Isbitaalka Madaxtooyada, dhaawacyada kalena loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Dhanka kale dhawaaqa Bamka ka dib ayaa rasaas xoog leh ay ka dhacday hareraha Hotelkaasi illaa Isgoyska Xamar Jajab oo aan ka dheereen Hotelka la qarxiyay oo ay daganaayeen mas‘uuliyiin Dowladda ah oo ay ku jiraan xildhibaano.

Si kasta ha ahaatee  ma ahan Hotelkii  ugu horeysay oo la beegsado qaraxyo noocan ah, balse waxaa jiray dhowr jeer oo hore Bam gacmeedyo lagu weeraray oo qaar ka mid ah Hotelada ay jiiftan Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda KMG Soomaaliya, kana soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: