Advertisements

Ergiga u qaabilsan QM Somalia oo booqasho ku tegay Gobollada Puntland.

Halkan ka akhri

War naga soo gaaray magalada Garoowe ayaa sheegaya in Ergiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Ambassador Augustine Mahinga uu maanta markii u horeysay socdaal ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud “Farole.”

 

Waxyaabahii loogu wada hadlay Kulanka labadaan mas’uul ayaa waxaa u badnaa arrimha Soomaaliya gaar ahaan maamulka Puntland iyadoo shirku ahaa mid albaabadu u xirnaa oo aan saxaafada loo ogoleyn.

Gabagabadii kulanka Madaxweynaha uu la yeeshay u qabilsanaha Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya ayaa qolka shirarka Madaxtoyada Garowe waxaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyey qodobadii laga hadley Mud. Faroole iyadoo markii dambe saxafada la siieyey warbixin kooban.

 

Ugu dambeyn waxaa warfidiyeenka warbixin ka siiyey qodobadii kulanka labada dhinac Madaxweynha Puntland  Mud.Cabdiraxman Farole oo sheegey in ay tahay markii u horeysay oo Ambassador Augustine Mahinga yimaado Puntland isagoo xusey in maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin imaanshaha uu soo booqday Puntland.

Sidoo kale Mudane Faroole ayaa sheegey inay Ergayga isla soo qaadeen  arrimaha Soomaaliya iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.

 

Madaxweye Goboleedka Puntland ayaa intaas kadib  shaaca ka qaaday in Augustine Mahinga uu qiray in Puntland tahay deegaan nabadeed oo la isku halayn karo, waxa sidoo  kale uu cadeeyay  in Puntland wax wayn ka qabatay mushaakiladka ka jira Soomaaliya sida burcad badedka,  dagalkii dhawaan lagaga guulaysatay kooxdii uu hogaaminayey ninka la yiraahdo Atam kasoo ku dhuumaalaysanayay buuralayda Galgala.

Dhanka kale Ambassador Mahinga ayaa qiray in Puntland ay si wayn u dhiiri galiso arimaha ganacsiga guud ahaana si wayn uga shaqaysay horumarinta amniga.

Warsaxaafadeedka labada Mas’uul, kadib ayaa waxaa saxafadu ay su’alo waydiisay Mahinga, iyadoo su’aasha ugu haboonayd ahayd inuu ka warbixiyo safarka uu ku yimid Puntland ambassador Augustine Mahinga oo wajigiisa laga dareemi karay farxad ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu farax sanyahay imaanshaha uu ku yimid Puntland, waxana uu carabka ku dhuftay in uu la kulmay madax oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farole islana soo qaadeen qodobo muhiim ah, waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland u yimaadeen in ay makhraanti ka noqdaan horumarka ay ku talaabsatay dhan kasta oo ay ka mid tahay arrimaha amniga iyo tan ganacsiga .

Hase yeeshee Amb. Mahinga ayaa sheegey in Puntland ka furan donaan xafiiskii siyaasada ee guud ahaan Soomaaliya, kaas oo ay joogi doonaan shaqaale ajnabi ah.

Sida la wada ogsoon yahay Puntland ayaa waxa horey uga furnaa xafiis kooban oo madax ka ahaa qof u dhashay dalka Somalia, hase ahaatee Ambassador Augustine Mahinga oo haatan 65 sano jir ayaa socdaalkiisa noqonaysa kii ugu horeysay ee uu ku yimaado gudaha Gobollada Puntlan ee Soomaaliya, balse dhowr jeer oo hore cagta dhigay garoonka diyaaradaha ee magaalda Muqdisho, halkaas uu kula kulmi jiray Madaxda Sare ee Dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss GAROWEONLINE

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: