Dowladda Uganda oo diiday in dalkeeda lagu maxkamadeyo koox Soomaali ah oo Burcad Badeednimo lagu soo eedeyey.

Halkan ka akhri

Maxkamada sare ee Dalka Ugandha ayaa Go’aan diidmo ah ka soo saartay in dalka Uganda gudahiisa maxkamad lagu soo taagi karin dhalinyaro soomaali ah  oo lagu soo eedeyey falal Burcad badeednimo.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ugandha ayaa diiday in ay maxkamadeeyaan Soomaalidaas oo lagu eedeeyey in ay khafaasheen maraakiib shisheeye iyadoona sababtaas lagu sheegay in dowladda Uganda wado kale ku furmaysa haddii dhallinyaradaas lagu maxkamadeyo Gudaha dalka Uganda maadaama ay Ciidamo badan ka joogaan dalka  Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee Go’aanka maxkamada ay ku gaartay in ay diido maxkamadeynta Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa uu yahay mid dowladdo badan oo ka mid ah Afrika kaga baqayan in Xafiisyo wadamadooda ka furmaan taasi oo lagu maxkamadeynayo dadka Soomaalida ee ku eedeysan arrimaha Burcad Badeednimada Soomaalida.

Dhanka kale dowladda Keyna ayaa sii deysay 9 dhalinyaro ah oo ay ku weysay dambiyadii lagu soo eedeeyey,  kuwaasi oo haatan lagu wareejiyey Hay’ada Qaxootiga Adduunka kadib markii Dambi baaristu ay sheegeen in dhalinyaradan aysan lahayn wax dambi ah.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: