Ciidamada Boliiska magaalada Hargeysa qabqabtay dad ay sheegeen in looga shakiyay in falal qaraxyo ah ay geystaan.

Halkan ka akhri

Ciidamada Boliiska  magaalada Hargeysa  ee Maamulka Somaliland ayaa Howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen nin lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey bam gacmeed khasaare ka dhashay oo lagu tuuray gaari marayay meel wado ah maalintii shalay.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shegay ninka ay qabteen Ciidamada Booliska in ay ku hayaan baaritaano la xariirta ku lug lahaanshiyaha weerarkii bam ee lagu qaaday gaari.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in weerarka bam ee ka dhacay Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inuu sababay Dhaawaca ku dhawaad 10 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii gaariga bamka lagu tuuray waxaana haatan lagu dawaynayaa isbitaalka weyn ee Magaaladaasi.

Hase yeeshee ninka loo qabtay mas’uuliyada weerarkaasi ayaa haatan ku socota  su’aalo ay weydiinaya saraakiisha boliiska ee dambi baarista ku shaqada leh.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: