Advertisements

Wasiirka Dhaqan Celinta Bulshada DKMG Soomaaliya oo cambaareeyey falalka gurracan ee lagula kacayo dadka Barakacayaasha ah.

Halkan ka akhri

Wasiirka Dhaqan Celinta Arrimaha Bulshada Dawladda KMG Soomaaliya ayaa cambaareeyey falalka gurracan ee lagula kaca dadka Barakacayaasha ah.

Wasiirka oo ku hadlayey afka Dowladda KMG ayaa si xun u cambaareyay fal ay ku dhaqaaqeen ciidamada Ururka Xizbul Islaam maalintii shalay Deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale  Sii haya Wasiirka Dhaqan Celinta Arrimaha Bulshada Ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Prof. Dhalxa ayaa ururka Xizbul Islaam ku cambaareysay inay barakciyeen maalintii shalay dad qaxooti ah oo goor hore ku barakacay Deegaankaas, kana burburiyeen guryo ay ku noolaayeen qoysas barakacyaal ah oo ku yiilay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho, waxayna xir xireen ciidamada dad ka tirsan barakacayaasha Calamada ee Magaalada Muqdisho, halkaasi ku noolaayeen in muddo ah.

Hae yeeshee sii hayaha Wasiirka Dhaqan Celinta Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Prof. Dhalxa ayaa ka hadlay falkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado oo ka fog bini`aadannimada. Prof. Dhalxa oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Xiligaan looma baahneen in la dhibaateeyo dadka masaakiinta barakacayaasha ah ee ka soo barakacay dagaalada iyo duqeymaha ka dhacaya Caasimadda Muqdisho”.

Dhanka kale Prof. Dhalxa ayaa ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay dadka barakicinaya masaakiinta ka soo carartay dagaalada iyo duqeymada muqdisho inay ka joojiyeen dhibaatada ay u geysanayaan.

Balse ilaa iyo haatan wax hadal ah kama ay soo bixin dhanka ururka Xizbul Islam, oo ku aadan arrinta lagu eedeeyay oo ah in ay dad barakacyaal ay ka barakiciyeen deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: