Advertisements

Madaxweynaha degmada Zürich oo hadal ka jeedisay furitaanka guriga degmada Zürich oo dhismihiisa dib u habeyn lagu sameeyey.

Halkan ka akhri

Waxaa shalay oo Sabtiya oo ay taariikhduna ku beegneyd 6.11.2010-ka loo dabaaldegay Furitaanka Guriga magaalada Zürich, Dhismaha gurigan oo ahaa qadiim ayaa  waxaa Golaha deegaanka degmada Zürich oo ay wehliyaan Khubaro ku xil-dheer ay goâansadeen in dib loo habeeyo dhismihiisa, waxaana si aad ah loogu fara yaraystay qurxinta iyo sharaxaada dhismaha gurigan.
Sidoo kale dhismaha gurigan ayaa ku dhan dhammaan Xafiisyada ugu muhimsan ee maamulka degmada Zürich iyo waaxyadeeda, waxaana xafiisyadaas la dhigay qalab cusub oo  casriyeysan.
Shalay waxaa u soo daawasho tagay dhismaha Gurigaas dadweyne tiradooda lagu qiyaasay 250.000 qof oo ka kala yimaaday degmooyinka Kanton Zürich, gaar ahaan dadka deggan degmada Zürich, sidoo kale dadka ayaa loo furay Albaabada Xafiisyada si u arkaan hab loo qalabeeyey iyo howl-qabadka Xafiisyadaas.
Haddaba anigoo  ah Dr. Axmed dhicisow Daa’uud oo ka wakiil ahaa Warbaahinta SomaliSwiss oo Casumaad ka helnay Haweynayda Madaxweynaha ka ah Degmada Zürich (Stadtpräsidentin) Frau Corine Mauch, waxaan tegay Xafladda Furitaanka Guriga Dowladda Hoose ee degmada Züzich, Si aan u arko qaab dhismihiisu ayaa  waxaan ku soo wareegay 5ta dabaqadood uu ka kooban yahay gurigan hase ahaatee  run ahaanti ma aanan wada gelin dhammaan Xafiisyada, balse waxaan booqday qaar ka mid ah xafiisyada daartaas ku yaalay, waxaana ka mid ah Xafiiska Diiwaanka Guurka, Dhimashada, Dhalashada, Is-dhexgalka (Integration), Dhasha-qaadasha (BürgerBüro), Ajaanibka (Ausländerbeirat der Stadt Zürich). Iyo kuwo kale oo badan.

Shalay Saacadda markii ahayd 12,30 ee duhurnimo munaasabadda Furitaanka  gurigaas hadal koobam ka jeedisay Madaxweynaha Degmada Zürich  Marwa Corine Mauch, waxayna dadweynihii halkaas Ugu hadashay Taariikh Gurigan oo 100 jirsaday, dibna  haatan loo habeeyey, balse loo baahan yahay in had iyo jeer gacanta lagu hayo, waa dhaxal maguurtaan ah ayey Tiri madaxweyne Corine Mauch.
Sidoo kale intii aan ku dhax wareegayey Guriga Degmada Zürich (Stadhaus) waxaan la kulmay Haweynay la yiraahda Rosanna Raths-cappai oo degmada Zürich uga qaabilsan dhinaca Is-dhexgalka (Integrationsförderung) waxayna iiga warrantay hawlaha ay u hayaan dadka ajaanibka gaar ahaan Haweenka.
Dhanka kale Frau Rosanna Raths-cappai waxay ii sheegtay inay gacanta ku hayaan Mashruuc loogu magac daray « Sideed ugu Noolaataa magaala Zürich », kaasoo waxtar weyn u leh haweynka korna u qaadayo dhaqan-bashada, Luqadaha iyo Xannaanaynta Ubadkooda.
Si ksta ha ahaatee Xafladdan oo bilaabatay 10kii Subaxnimo ayaa waxaa lasoo gabagabeeye 16kii Galabnimo.
SomaliSwiss     Zürich
Dr. Ahmed Di’sou Daud
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: