Hogaamiyaha Al-Shabaab oo toogasho ku dilay horjoogayaal uu ku jiro sarkaal Ajnabi ah.

HOOS KA AKHRI MAGACYADA HORJOOGAYASHA LATOOGTAY

Halkan ka akhri

Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmad Godane ayaa amray in lawada toogto dhammaan kooxdii ka dambaysay in isaga jidgooyo loo dhigo taas oo uu ka bad baaday hase yeeshee lagu dhaawacay khamiistii ina dhaaftay.

Maleeshiyaadka Al-Shaabaab ayaa degmada Bu’aale e xarunta gobolka Jubbada dhexe ku dilay horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadkaasi, kuwaas oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

Falkan dilka ah ee loo gaystay horjoogayaal ka tirsan xarakada ayaa waxaa fuliyey Koox kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo si gaar ah uga amar qaadata horjoogaha ugu sareeya dhanka Soomaalida Axmed Aw Cabdi Godane.

Wararka laga helayo  gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maalintii Sabtida ahayd ee horaantii dodobaadkan ay maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay si wada jir ah ugu dileen gudaha Degmada Bu’aale goob fagaara ah oo ay isugu yimaadeen horjoogayaal ka tirsan kooxdaasi horjoogayaal kale oo u qaabilsanaa gobolkaasi dhinaca Maamulka isuguna jiray Ajaanib iyo Soomaali oo ka soo horjeeday fikirka Axmed Godane.

Ragga dilkan loo gaystay ayaa magacyadooda lagu sheegay Daahir Yuusuf, Cabdi dalab, Cabdi Nuur Cabdi  iyo Yuusuf Mire, oo afartooduba ah horjoogayaal Soomaali Al-Shabaab ah oo si gaar ah uga soo jeeda Hayb ahaan degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, waxaa kale oo dilka marka uu dhacayey halkaasi lagu toogtay isagana nin lagu magacaabo Al Shucayb Al Ciraaqi oo kamid ah Ajaaniibta ka barbar dagaalama xarakada Al-Shabaab.

Ujeedada ka dambeeysa falkan dilka ah ee lagu qaaday ragan ayaa la sheegay in ay tahay weerar khamiistii aynu ka soo gudubnay waddo u dhaxeysa Degmada Saakoow iyo Bu’aale loogu gaystay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo watay kolanyo gaadiid ah oo uu hogaaminayey Axmed Cabdi Ow Godane, halkaasi oo ay ka dhaceen khasaare ba’an oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaartay kooxdii uu hogaaminayey Godane, halka uu isaguna ku dhaawacmay weerarkaasi, isla markaana hadda lagu daawaynayo Isbitaalka Dayniile.

SomaliSwiss Kismaayo, Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: