Advertisements

Guddiga taakuleynta ciidamada AMISOM ee Qaramada Midoobay oo Maanta Booqasho ku tagi doono magaalada Hargeysa.

Halkan ka akhri


Wafdi ka socda xafiis Qaramada Midoobay u qaabilsan taakulaynta ciidamada AMISOM ee ilaaliya dowladda KMG Soomaaliya ee la yiraahdo UNSOA ayaa lagu wadaa inuu Maanta oo Isniin ah ay Booqasho ku tagaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee maamulka Somaliland.

Sida lagu soo warramay Wafdigan ayaa la sheegay inay la socdaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Xubno ka tirsan hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka Duulimaadka rayidka ah,, kuwaasi oo in muddo ah gacanta ku hayay qaarkood.Garoomada diyaaradaha ee maamulka Somaliland.

Hase yeeshee booqashada Wafdigan ayaa lagu macneeyey in ay la xiriirta Sahmin loo sameynayo ciidamada AMISOM si u helaan goobo loo soo mariyo Saadka iyo Saanada militari, kadib caqabado kaga yimid garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo diyaaradaha Xamuulka u keena Ciidanka AMISOM oo ah kuwo waa wayn awoodi kari waayeen in ay Garoonka Muqdisho soo gaaraan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in  ujeedka Wafdigan uu yahay sidii Somaliland loogu dhaadhicin lahaa qorshe  ballaaran oo ay wadaan Ciidamada AMISOM oo la doonayo in ay gaaraan Gobolada Hiiraan, Galgaduud, Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Shabeelooyinka, kadibna saanadahooda ka helaan Ciidamada Gobolada dhexe dhanka Dekadda Barbara iyo Garoonka Diyaaradaha.

Si kasta ha ahaate haddii maamulka Somaliland iyo wafdigaasi isla ogolaadaan qorshahan ayaa waxaa dhici karta in loo wareejiyo duulimaadyada diyaaradaha ciidamada AMISOM garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan kan Berbera oo ah garoon aad u weyn, kadibna dhinaca Badda loo soo marsiiyo Muqdisho ama diyaarado yaryar lagu soo daabulo, waxaana la filayaa wafdigan in ay maanta gaaraan Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: