Advertisements

Caruur la il daran cudurro kala duwan oo Maanta laga dhoofiyey magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhri

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ay Hay’adda  samafalka COGWO ka dhoofisay caruur tiradooda ka badan ilaa Toban oo qaba cudurro kala duwan, kuwaas oo dalka gudahiisa wax looga qaban waayey.

Sida Warbaahinta ay u sheegtay Xaawo Maxamuud Cali oo ka mid ah Howlwadeenada Hay’adda Cogwo in Caruurtaas  ay ka dhasheen qoysas danyar ah islamarkaana cuduradooda wax looga qaban waayay gudaha Dalka ay Hey’addu Cogwo qaaday mas’uuliyadda daaweynta caruurtaas iyadoo maanta loo qaaday  Isbitaallo ku yaala Magaalada Nairoobi ee dalka Kenya si halkaasi loogu soo daaweeyo.

Xaawo Maxamuud Cali waxay kaloo intaas ku dartay in caruurtaasi ay ku jiraan kuwo aan laheyn halkii ay ka saxaroon lahaayeen iyo kuwo kale oo qaba cuduro aad u halis ah, waxayna xustay in marka ay bogsoodaan ay dib ugu soo celin doonaan qoysaskooda.

Sidoo kale Xaawo Maxamuud Cali waxay sheegtay in Hey’addeedu ay haatan gacanta ku heyso kiisas Labaatan haween ah oo la soo faraxumeeyay kuwaas oo ay hay’adu daweeyneyso.

Si kasta ha ahaatee arrintu ma aha markii ugu horeeysay ee Hay’adda Cogwo ay dibada u qaado caruur Soomaaliyeed oo qaba cuduro kala duwan oo wax looga qaban waayay gudaha dalka, waxayna hore Hey’adu dibada ugu soo daweeysay tiro caruur ah oo qaba cudurro kala duwan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: