Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur kuriya oo ka warbixisay sii deynta markabka Samho Dream.

Halkan ka akhri

Warbixin qoraal  ah oo ay saakay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee K/kuuriya, ayaa waxaa warbixintaas lagu sheegay in sii deynta Markabka Samho dream ee laga lahaa wadanka K/Kuuriya   ay ka dambeysay kaddib markii kooxihii gacanta ku hayey Markabkasi la siiyey lacag madax furasho oo dhan 9.5 milion oo doolarka maraykanka, waxaaan bayaanka lagu xusay in shaqaalaha saaran Markabkasi ay gaarayaan 24 qof oo 5 kamid ah ay u dhasheen waddankaas, halka 19qof oo ka kale ay u dhasheen dalka Filibiin.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka K/kuuriya u faafisa ee magaceedu la yiraahdo Yonhap, in lacagta kooxaha burcad badeedu ay ka qaateen Markabka ay tahay tii ugu faraha badneyd oo ay ebed kooxaha burcad badeeddu ay ka helaan Maraakiibta ay u afduubka u geysteen.

Sidoo kale Wakaaladdu waxay daboolka ka qaaday in markabkasi Samho Dream uu ka soo shareecday wadanka Ciraaq waxuuna siday saliid ceyrin ah oo qiimaheda lagu qiyaasay 160-milyan oo doolarka Maraykanka, waxaana kooxaha burcad badeedu ay markabkaasi ay kooxaha burcad badeedu ka qafaasheen bishii April ee sanadkan badweynta India xilli uu ku sii jeeday dalka Maraykanka.

Dhanka kale Wakaalada wararka ee Yonhap oo soo xiganeysa Madaxa Badmareenada bariga Afrika Andrew Mwangura ayaa shaacisay in kooxaha  burcad badeeda ay weydiisteen lacag dhan 20-milyan oo dolarka Maraykanka.

Hase yeeshee warku wuxuu in taa ku darayaa in ciidamada badda ee Midowga Yurub ay sheegeen in kooxo kale oo  burcad badeed Soomaali ah ay sii daayeen Markab ka babanayey  calanka dalka Singabuur, kaasi oo lagu magacaabo MV Golden Blessing oo ay 28-kii bishii June ee sanadkan ay kooxaha burcad badeedu ka qafashen meelo ka baxsan xebaha Soomaaliya, waxaana markabkasi ay ka qaaten 2.8 milyan oo doolarka Maraykanka.

SomaliSwiss Yonhap

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: