Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkan ka akhri

Waxaa xalay fiidkii dagaal culus ku dhexmaray degmooyinka Hodan iyo howlwadaag ee gobolka Banaadir, ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helayey Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISON iyo dhinacyada ka soo horjeeda, hase ahaatee waxaa lagu soo warramay in khasaarihii ka dhashay dagaalo iyo duqeymadaas sii kordhaya.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaain saaka xaalada magaalada Muqdisho laga dareemay wax xoogaa deganaansho ah  oo qeybo ka mid ah ay ka dhaceen dagaal iyo duqeymo xoogan, wuxuuna dagaalkaasi saameyn xoogan uu ku yeeshay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sida wararku ay sheegayaan waxaa inta la’ogyahay ku dhimatay 6-qof, 7-kalana waa ay ku dhawacmeen kadib markii dagaalo iyo duqeymo xalay ay ka dhaceen xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag kuwaaso oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haaya magaalada Muqdisho.

Madfac ka mid ahaa madaafiicdii la isku weedaarsanayay dagaalkaasi ayaa waxaa uu ku dhacay Isgoyska Howlwadaa, waxaana ku geeriyootay 4-qof oo xiligaasi ku sugnaa halkaasi sida uu u xaqiijiyay goob jooge halkasi ku sugnaa, waxaana uu sheegay in mar qura ay ka warheleen madfac ku soo dhacay Isgoyskaasi.

Sidoo kale dhamaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaasi iyo duqeymahaasi ayaa waxaa ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa Xaafadahooda, waxaana dhawacyada dadka ku waxyeeloobay madaafiicdaasi loola cararay qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiina oo haatan caafimaadkoodu lagu dabiibayo.

Sida la wada ogsoon yahay dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaatada ugu badan soo gaartaa dadka rayidka ah, iyadoo dhinacyada isku haaya siyaasadda Muqdisho ay warbaahinta isku mariyaan guulo ay ka gaaraan dagaaladaasi, hase ahaatee su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay, guulaha ay sheegtaan dhinacyada ku hardamaya magaalada Muqdisho ay jawaabteedu tahay dadka rayidka ah ee ku dhinta dagaaladaasi.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: